Daafaca kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies ayaa lala xiriirinaayay inuu ka tagayo kooxda Jarmalka xilli uu ku dhow yahay dhamaadka qandaraaskiisa haatan.

24-jirkan ka ciyaara dambeedka bidix ayaa noqon doona mid xor ah dhamaadka xiliciyaareed kan, waxaana si weyn u xiiseenaaya kooxaha sida Manchester United iyo Liverpool.

Si kastaba, Bayern Munich ma rabto inay ciyaaryahanka ku weyso beeca xorta ah. Waxay rajeenayaan inay heshiis qandaraas ah la galaan, kaas oo ka dhigaaya inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa haatan.

Sida laga soo xigtay TBR Football, Arsenal iyo Chelsea ayaa sidoo kale isha ku haya xaaladiisa haatan. Ciyaaryahanka heerka caalami dalka Kanada ee Davies waxaa si toos ah adeegiisa ku daggaalamaaya dhammaan afarta kooxood.

Manchester United waxa ay u baahan tahay beddelka saxda ah ee Luke Shaw kaas oo la daalaa dhacaya dhibaatooyin dhaawac.  Davies wuxuu noqon lahaa daafac wax badan kusoo kordhin karo oo tayo leh.  Si la mid ah, Liverpool waxay u baahan tahay bedelka daafaca tayada leh ee Andrew Robertson, kaas oo ku jira mustaqbal aan la hubinin.

Labada koox ayaa xiriir la sameeyay wakiilada daafaca, waxaana ay noqon doontaa mid xiiso leh haddii ay ku qancin karaan ciyaaryahanka inuu diido inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Jarmalka oo uu midkood ku biiro.

Dhanka kale kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaan wali dadaal xoogan u galin sidii ay xiddigan ku heli lahaayeenEPL, waxana la arki doonaa sida uu xaalku noqon doono.  Arsenal waxay u baahan tahay daafac bidix oo farta ka xiran xiddiga Canadian-ka ee Davies wuxuu u noqon lahaa xiddig ku habboon doorkooda hadda.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version