Kooxda Reds ayaa ku dalbanaysa 50 milyan oo ginni xagaaga xiddiga kooxda Real Sociedad iyi xulka Spain ee Martin Zubimendi,  iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo.

Liverpool ayaa awoodi waysay inay la soo wareegto xiddiga khadka dhexe kooxda Real Sociedad ee Martin Zubimendi xagaagii hore laakiin waxa laga yaabaa inay ku soo laabtaan.

Zubimendi ayaa muhiim u noqday Sociedad kadib markii uu doorkiisa ka ciyaarayay guushii Spain ee Euro 2024, isagoo ka soo kacay kursiga keydka isagoo bedelay Rodri finalkii.

Liverpool ayaa doonaysay in ay hesho adeegiisa xagaagii laakiin 25 jirkan ayaa ugu dambayn doortay in uu sii joogo kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu u furan yahay inuu ka tago kooxda reer Spain xagaaga soo aadan, sida laga soo xigtay wargayska Daily Express.

Zubimendi ayaa la fahamsan yahay in qandaraaskiisa lagu burburin karo 50 milyan ginni, waxaana jiray warar xan ah oo sheegaya in Sociedad ay dooneyso inay u soo bandhigto ciyaaryahanka khadka dhexe heshiis cusub si meesha looga saaro qiimaha lagu burburin karo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Sociedad, si kastaba ha ahaatee, taas oo la micno ah in kooxda Merseyside ay ku heli karto ku guuleystaha Euro qiimo jaban suuqa hadda, gaar ahaan marka la eego tayada ciyaaryahanka iyo da’diisa.

Liverpool xagaagii ma aysan sameyn saxiixyo waa weyn, taas oo aheyd fursadoodii ugu horresay ee Arne Slot.

Federico Chiesa ayaa ahaa xiddiga kaliya ay kusoo biiray Reds maaday, laakiin xiddiga reer Italy ayaan noqonin heerka laga filaayay..

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version