Virgil van Dijk ayaa lagu soo waramayaa in ay Liverpool u soo bandhigtay heshiis cusub laakiin wali wax heshiis ah lama gaadhin labada dhinac.

33-sano jirkaan ayaa dhamaanaya qandaraaskiisa haatan, kaasoo ku eg dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kabtanka Liverpool ee van Dijk ayaa lagu soo waramayaa inuu ka wada xaajoonayo qandaraaska cusub ee kooxda, laakiin sida laga soo xigtay David Ornstein oo ka tirsan The Athletic, van Dijk weli ma aqbalin shuruudaha.

Wada xaajoodyada heshiis cusub ayaan wali laga soo saarin wax horumar ah, laakiin wadahadaladu waa socdaan, Ornstein ayaa ku waramaya, isaga oo intaa ku daray in wada xaajoodku uu socday in muddo ah oo ay weli mudnaanta siinayaan Reds.

Van Dijk waa mid ka mid ah seddex ciyaaryahan oo waa weyn, oo ay ku jiraan Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold, kuwaas oo qandaraaskoodu uu dhacayo xagaaga soo socda.

Sida ku cad sharciga saxda ah ee hadda jira, dhammaan seddexduba waxay xor u yihiin inay ka wada xaajoodaan heshiisyada hordhaca ah ee kooxaha ajnabiga ah oo bilaabmaya Janaayo haddii aysan qandaaars u kordhin kooxahooda.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa u muuqata mid doonaysa inay ka fogaato xaaladan oo kale.

Iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Holland Van Dijk uu doonayo inuu sii wado wadahadalada Salah ayaa shaaca ka qaaday inuu “wali sugayo” dalabka rasmiga ah ee kooxda.

Ornstein ayaa sidoo kale xaqiijiyay in wadahadalada Salah iyo Alexander-Arnold la qorsheeyay, iyadoo garabka Masar la filayo inuu helo soo jeedin dhawaan.

“Qandaraaska Mohamed Salah ayaa dhawaan la filayaa,” ayuu yiri, isagoo raaciyay, “wadahadallada ayaa sidoo kale u socda Liverpool iyo AlexanderArnold.”

Dhammaan seddexda ciyaaryahan ayaa door muhiim ah ka qaatay bilawga xooggan Liverpool ee xilli ciyaareedkan, iyadoo uu hogaaminayo tababaraha cusub ee Arne Slot, mustaqbalkooduna wuxuu noqon doonaa mudnaanta koowaad ee kooxda marka ay soo dhawaato Janaayo.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version