Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul raaxo leh ka gaartay dhigooda Manchester United oo ay ku marti geliyeen Emirates Stadium kulan ka tirsan EPL wareegiisa 14-aad.

Goolasha ay guusha ku gaartay kooxda waqooyiga London ee Gunners waxa ul kala dhaliyay Timber iyo William Saliba.

Haddaba maxaa laga bartay kadib guusha ay ka gaartay Arsenal dhigooda Manchester UnUnited.

Xaqiiqoyinka Kulanka:

●Arsenal waa kooxdii ugu horeysay ee hal kulan oo Premier League ah laba koorno ka dhalisay Man Utd tan iyo Chelsea Janaayo 2014.

Mikel Arteta ayaa haysta boqolkiiba guusha ugu fiican ee tababare kasta oo ka horyimid Manchester United 5+ jeer taariikhda Premier League (70%).

◉ 10 ciyaarood

◉ 7 guul

◉ 1 barbaro

◉ 2 guuldarro

●Waana tababarihii ugu horeeyay ee Arsenal oo afar kulan oo xiriir ah PL ka badiya Red Devils. 👏

●Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa la kulmay guuldaradii ugu horeysay ee horyaalka tan iyo December 2023 (Sporting CP 2-3 Vitória Guimarães), iyadoo natiijadii caawa ay soo gabagabeysay 34 kulan oo aan laga badinin Portuguese-ka tartanka horyaalka (W31 D3).

Dhinaca kale Manchester ayaa guul raaxo leh ka gaaraty Nottingham Forest kadib markii ay uga badiyeen 3-0 goolal ay kala dhaliyeen Sliva, De Bruyne, iyo Doku.

Chelsea ayaa 5-gool 1 ku xasuuqday Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League, waxaana u dhaliyay Disasi, Palmer, Sancho, Nkunku, iyo Madueke.

Geesta kale kooxaha Liverpool iyo Newcastle ayaa ku kala baxay 3-3 kukan xiiso leh oo ka dhacay garoonka St James’s Park.

Ugu dambeen kooxda Real Madrid aya guul daro xanuun badan dhabarka loo saariyay kadib markii looga adkaaday 2-1 waxaana ka badisay kooxda Athletic Club Bilbao oo joogta garoonkooda San Mames.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version