Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso isku day geesinimo leh oo ay kula soo saxiixaneyso kabtanka kooxda Tottenham Hotspur ee Son Heung-min.
Xiddiga heerka caalami ee dalka South Korea ayaa galay bilihii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Spurs, kaas oo dhacaya xagaaga soo aadan.
Son ayaa waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyga sida joogtada ah uga ciyaara horyaalka heerka kowaad ee Ingiriiska tobankii sano ee la soo dhaafay, isaga oo ka hoos shaqaynayay dhawr maareeyayaal oo Tottenham ah.
32 jirkan weerarka ka ciyaara ayaa heshiis afar sano ah u saxiixay kooxda ka dhisan Waqooyiga London sanadkii 2021, laakiin wali ma uusan saxiixin heshiis cusub.
Warbixin ka soo baxday GiveMeSport ayaa lagu sheegay in tababaraha Manchester United Ruben Amorim uu taageere u yahay weeraryahanka Kuuriya, uuna ku riixi doono saxiixiisa xagaaga.
Tababaraha reer Portugal ayaa u arka weeraryahan khibrad leh islamarkaana ku haboon mid ka mid ah labada door ee ka dambeeya weeraryahanka ee shaxdiisa 3-4-2-1.
Son ayaan wali ku guuleysan wax koob ah tan iyo markii uu yimid England sanadkii 2015.
Weeraryahanka ayaa sidaas darteed laga yaabaa in uu u ciyaaro Red Devils, kuwaas oo ku guuleystay FA Cup iyo Carabao Cup labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.
Manchester United ayaa ku qasbanaan doonta inay qabato shaqo badan si ay u qanciso weeraryahanka, kaas oo 422 kulan u ciyaaray Spurs, isaga oo kabtan u ah kooxda tan iyo 2023, waxaana uu dhaliyay 166 gool iyo 88 caawin waagiisii kooxda.