Kooxda Chelsea ayaa u safri doonto garoonka St. Mary’s oo ay ku ciyaarto Southampton kulan ka tirsan EPL wareegiisa 14-aad.

Wiilasha Enzo Maresca ayaa caawa kula ciyaari doono garoonka St. Mary’s naadiga Southampton kadib markii ay guul ka gaareen Aston Villa, waxayna isku dayi doonaan inay sii wataan wacdarahooda.

Wararka Kooxaha Kahor Kulanka.

Seddexda ciyaaryahan ee Southampton Taylor Harwood-Bellis, Flynn Downes iyo Tyler Dibling dhamaantood waxay qaadanayaan ganaax hal kulan arbacada kadib markii ay aruursadeen shan jaale xilli ciyaareedkan.

Loanee Lesley Ugochukwu uma qalmo inuu wajaho kooxdiisa hore laakiin Jan Bednarek ayaa soo laabtay ka dib markii uu seegay labadii kulan ee ugu danbeysay, halka Paul Onuachu uu sidoo kale taam noqon karo.

Daafaca Chelsea Wesley Fofana ayaa seegi doona kulankaan, inkastoo aan weli la ogaan inta uu la egyahay dhaawaca muruqa.

Reece James ayaa weli dhaawac ku maqan

Xaqiiqoyinka Kulanka.

●Southampton ayaa laga yaabaa inay seddex guul oo xiriir ah ka gaarto Chelsea markii ugu horeysay muddo 39 sano ah.

●Southampton iyo Chelsea ayaa kulmay wadar ahaan 131 jeer, iyadoo Blues ay heysato rikoor dhanka guulasha iyagoo badiyay 49-kulan halka ay bareejo galeen 49-kulan sidoo kale Southampton ay ka badisay Chelsea 33-kulan.

●Chelsea ayaa laga badiyay kaliya hal kulan tobankii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Southampton booqashadoodii St. Mary’s, iyagoo gaaray todoba guul iyo laba barbaro tan iyo Janaayo 2014.

●Chelsea ayaan wax guuldaro ah la kulmin 11 ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay horyaalka premier League,waxana ay badisay 7 guul iyo 4 bar-baro tan iyo dhamaadkii bishii August.

●Southampton ayaa ku guuldareysatay inay badiso 25 ka mid ah 26-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Premier League.

Nicolas Jackson ayaa si toos ah ugu lug lahaa 18 gool 21-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ciyaaray horyaalka isaga oo dhaliyay 13 kulan isaga oo dhaliyay 5 gool.

Cole Palmer ayaa u jira hal gool inuu dhaliyo si uu u barbareeyo rikoorka kooxda ee 36 gool oo Premier League ah oo ku lug yeesho sanad gudihii, kaas oo uu horray u dhigay Jimmy Floyd Hasselbaink 2001.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version