Kooxda Manchester City ayaa caawa 22:30-habeenimo xiliga geeska Africa ku marti geli doonto dhigooda Nottingham Forest kulan ka tirsan EPL wareegiisa 14-aad.

Kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ayaa isku dayi doonta inay soo afjarto todobo kulan oo guul la’aan ah marka ay Arbacada Etihad ku martigeliyaan kooxda Nottingham Forest oo ku jirta kaalinta lixaad.

Manchester City ayaa dharbaaxo kale oo wayn kala kulantay difaacashada horyaalka Premier League kadib markii ay guuldaro 2-0 ah kala kulantay Liverpool todobaadkii hore.

Kooxda Guardiola ayaa laga badiyay afar kulan oo isku xigta oo horyaalka ah, waxaana ay ku guuldareysteen inay badiyaan todobadii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan, waxaana laga badiyay lix kulan, halka barbaro ay galeen tan iyo markii ay 1-0 kaga badiyeen Southampton 26kii October.

Manchester City ayaa 23 dhibcood ka heshay 13kii kulan ee ay ciyaartay Premier Leaque waxayna ku jirtaa kaalinta shanaad ee kala saraynta horyaalka waxayna 11 dhibcood ka hoosaysaa kooxda hogaanka u haysa horyaalka ee Liverpool.

Xaqiiqoyinka Kulanka:

●Waa markii ugu horeysay oo Manchester City ay todobo kulan oo ay ciyaartay tartamada oo dhan guul la’aan tahay intii uu macalin u ahaa Pep Guardiola.

●Sidoo kale waa markii ugu horeysay ee Guardiola laga badiyo afar kulan oo isku xigta oo horyaal ah xirfadiisa tababarenimo

●Forest ayaa markii ugu dambeysay ka badisay Manchester City koobka FA Cup xilli ciyaareedkii 2008-09.

●Manchester City ayaa laga badiyay afar kulan oo isku xigta oo horyaalka ah markii ugu horeysay tan iyo 2008dii.

Erling Haaland ayaa dhaliyay 15 gool 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ku ciyaaray garoonkiisa tartamada oo dhan, halka uu afar gool ka dhaliyay kooxda Nottingham Forest laba kulan oo uu ku ciyaaray Etihad Stadium.

●Man City ayaa laga badiyay 11 ka mid ah 29-kii kulan ee horyaalka ee uu ka maqnaa Rodri tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda 2019-20.

●Nottingham Forest ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ay ku ciyaareen gurigooda.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version