Kooxda Liverpool ayaa xiiseyneysa inay Frenkie de Jong kala soo wareegto Barcelona xagaaga soo aadan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Fichajes.net.

Laacibka reer Holland ayaa ka mid ah ciyaartoyda laga yaabo in Barcelona ay doonayso inay iska iibiso si ay isugu dheelitirto dhaqaalaheeda.

Tan iyo markii uu La Blaugrana kaga soo biiray Ajax bishii Luulyo 2019, De Jong waxa la odhan karaa ma uusan noqonin wixii laga filaayey.

27-jirka ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo, isagoo hadda ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah oo soo gaaray bishii March.

Kooxda ka dhisan gobolka Merseyside-ka ayaa xiiseenaysa saxiixiisa waxaana laga yaabaa inay laso wareegaan suuqa soo socda si ay ugu xoojiyaan khadkooda dhexe.

Haddii ay lasoo saxiixdaan, ciyaarayahanka reer Holland ee De Jong saameyntiisa iyo awooda uu kubada ugu qeybin karo booska khadka dhexe ayay si weyn uga faa’ideysan karta Reds.

222 kulan oo uu u saftay Barcelona, ​​De Jong ayaa dhaliyay 17 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 21 caawin.

Marka loo eego xiliciyaareed kan, waxa loo diiwaan geliyay kaliya sagaal kulan, taas oo u dhiganta 262 daqiiqo inuu kasoo muuqdo garoonka dhexdiisa.

U dhaqaaqista Anfield waxay u noqon kartaa fursad macquul ah xiddiga reer Holland si uu usii wato bandhigiisa cajiibka ah ee xirfadiisa ciyaareed.

Liverpool ayaana xiiseyneysa saxiixa xididga reer Holland iyo kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong inay lasoo wareegaan xagaaga soo aadan.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version