Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo ku saabsan u dhaqaaqista mustaqbalka la qaatay kooxaha horyaalka MLS-ka iyada oo waayihiisa Manchester City laga yaabo in uu dhamaado.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Kevin De Bruyne ayaa soo afjari kara mustaqbalkiisa Manchester City isagoo oo wada xaajod la yeelanaayo kooxaha MLS.

Inay la wareegi karaan kooxahaas ma cadda xilligan, inkastoo ay jiraan wadahadallo la taaban karo oo ku saabsan inuu ka tagayo kooxda Pep Guardioila maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga.

Kevin De Bruyne ayaa ku dhibtooday xaaladda taam ahaanshiyihiisa xilli ciyaareedkan iyo kii ugu dambeeyay.

Xiddiga Belgian-ka ayaa si dirqi ah uga soo muuqday markan iyadoo Pep Guardiola uu sii wado inuu si taxadar leh u maareeyo taam ahaanshihiisa.

Qandaraaska haatan xiddiga reer Belgium ee Manchester City wuxuu dhacayaa xagaaga soo socda, saxaafadduna waxay aad u hadal haayaan inuu ka tagaayo kooxda.

De Bruyne ayaa waayihiisa ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay Manchester City isaga oo kula soo guulaystay koobab badan oo Premier league ah iyo Champions League.

Manchester City ayaa durba isku diyaarinaysa inay kala dhamaadan maadaama ay samaynayso qorshayaal ay ku raadinayso beddelka xiddiga reer Belgium.

33-sano jirkan ayaa waxaa aad u jecel kooxda Man City iyaga oo rabo inay sii heestaaan, inkastoo aan la ogeynin halka uu u socdo, maadaama uu xiiso weyn ka helayo Sacuudiga.

San Diego FC waxay xiriir la yeesheen xididga De Bruyne waqti aan sidaas u fogeyn, iyadoo kooxda ay ku haminyaan islamarkaana ay u hanqaal taagayaan inay keenaan ciyaartoyda Kevin De Bruyne 

Waxay sidoo kale aad u xiiseynayaan Mohamed Salah waxaana laga yaabaa inay heystaan ​​dhaqaalaha ay kusoo iibisanayaan labada ciyaaryahan.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version