Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa caawa isku arki doono qalcadda Anfield  23:00-habeenimo xiliga geeska Africa, kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League gaar ahaan wareegiisa 5-aad.

Kulankan ayaa ah mid kamid ah kulamada loogu jecelyahay oo ugu xifaaltanka adag, tartanka UEFA Champions League, iyada oo mucaashaqiinta kubadda cagta ay kala taabacsan yihiin labada dhinac.

Liverpool ayaa isku dayi doonta in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah ee Champions League marka ay garoonkeeda Anfield ku soo dhawayso kooxda Real Madrid oo ku guulaysatay tirada ugu badan Champions League.

Kulanka Liverpool iyo Real Madrid ayaa noqday mid kamid ah kulmada ugu xifaalta badan iyada oo labadooduba ay isaga hor yimaadeen laba final oo champions League ah lixdii sano ee ugu dambaysay.

Halka Los Blancos  ay leedahay rikodh cajiib ah oo waji ka waji ah, haddana ma aysan ku jirin qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan, Reds ayaana isku dayi doonta in ay ka faa’ideysato fursadda.

Kooxda Real Madrid ayaa ku jirta kaalinta 18-aad ee kala saraynta tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Los Blancos ayaa 3-0 kaga badisay Leganes kulanoodii hore, waxaana ay isbuucaan isku dayi doontaa inay gaarto natiijo la mid ah.

Dhanka kale Liverpool ayaa ku jirta kaalmaha ugu horreeya ee kala saraynta Champions Leaque-ga waxayna ku jirtaa qaab ciyaareed aad u fiican intii uu joogo macalin Arne Slot.

Kooxda ka dhisan magaala xeebeedka Liverpool ee gobolka Merseyside-ka ayaa 3-2 ku garaacday Southampton isbuucaan, waxayna kalsooni ku qabaan inay guul ka gaaraan Real kulanka ay ku qaabilayaan gurigooda Anfield caawa oo rabcao ah.

Xaqiiqoyinka Kulanka Liverpool vs Real Madrid.

●Real Madrid ayaa rikoor taariikhi ah oo cajiib ah ku leh Liverpool tartanka UEFA Champions League waxayna badisay 7 ka mid ah 11-kii kulan ee ay labada kooxood ciyaareen, iyagoo ka soo horjeeda seddexdii guul ee ay Liverpool gaartay.

●Kadib markii ay seddexdii kulan ee ugu horreysay ka badisay Real Madrid tartamada Yurub intii u dhaxeysay 1981 iyo 2009, Liverpool ayaan wax guul ah gaarin sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Los Blancos.

●Liverpool ayaa laga badiyay 7 ka mid ah 11-kii kulan ee ay la ciyaartay Real Madrid tartanka UEFA champions League – waa guuldaradii ugu badnayd ee boqolkiiba koox ah oo ay la kulmaan ugu yaraan shan jeer tartanka.

●Liverpool ayaa markii ugu dambeysay guul ka gaartay Real Madrid bishii March 2009.

●Reds ayaa hal mar kaliya ka fogaatay in laga badiyo sideedii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday Real Madrid.  Laba ka mid ah guuldarrooyinkaas ayaa yimid finalka UEFA Champions League.

●Labada kooxood ayaa kulankoodii ugu dambeeyay isku arkay xilli ciyaareedkii 2022/23 Champions League, Madrid ayaa ku badisay 5-2 iyaga oo Away ah iyo 1-0 uga badiyay gurigooda Santiago Bernabeu.

●Kooxda Merseyside-ka ayaa kaliya saddex kulan ka badisay Los Blancos.  Guushii ugu horreysay waxay ka gaartay final-kii 1980/81, labada kalena waxay yimaaddeen xilli ciyaareedkii 2008/09 ee wareegga 16ka Champions League.

●Liverpool ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee ciyaareen.

●Kooxda Real Madrid ayaa badisay 7-kamid ah 8-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Liverpool tartamada oo dhan.

Shaxaha Macquulka Ah Reds Vs Madrid:

Safka macquulka ah ee Liverpool:
Kelleher;  Bradley, Konate, Van Dijk, Robertson;  Gravenberch, Mac Allister;  Salah, Szoboszlai, Diaz;  iyo Nunez.

Safka macquulka ah ee Real Madrid:
Courtois;  Valverde, Asencio, Rudiger, Mendy;  Camavinga, Modric;  Guler, Bellingham, Diaz;  iyo Mbappe.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version