UEFA Champions League ayaa dib u soo laabtay iyada oo ay la ciyaaraayo kulamo isbuucan, kooxda Sporting Lisbon ayaa wajahayso kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta er Arsenal kulan muhiim ah oo ka dhacaayo Estadio Jose Alvalade caawa oo talaado ah marka la gaaro 23:00-habeenimo xiliga geeska Africa.

Labada kooxood ayaa safafkooda ku heysta ciyaaryahano wanaagsan, waxaana ay rumeysan yihiin inay guul gaari karaan midkood kulankaan.

Sporting Lisbon ayaa ku jirta kaalinta labaad ee kala sareynta UEFA Champions League waxayna soo bandhigtay qaab ciyaareed aan caadi ahayn xilli ciyaareedkan.

Kooxda martida loo ahaa ayaa 6-0 ku xasuuqday kooxda amarante FC isbuucaan dhamaadkii, waxayna kalsooni ku qabi doontaa kahor kulankaan inay guul ka gaari garto Gunners.

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 12-aad ee kala saraynta horyaalka ee champions League xilli ciyaareedkan.  Gunners ayaa 3-0 ku dhaaftay kooxda Nottingham Forest kulankoodii hore, waxaana ay isbuucaan isku dayi doonaan inay gaaraan natiijo la mid ah.

Xaqiiqoyinka Kulanka.

●Sporting CP ayaa bar-baro la gashay Arsenal saddexdii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

●Kooxda Sporting CP ayaan laga badinin tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

●Sporting CP ayaa badisay sagaal kulan oo ay ku booqatay carrada guriga dhammaan tartamada.

●Kooxda Arsenal ayaa soo gabagabaysay saddex kulan oo xidhiidh ah oo aanay wax guul ah gaadhin kadib markii ay guul ka gaadhay Forest.

●Arsenal ayaa badisay kaliya hal guul todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen tartamada oo dhan

●Sporting Lisbon wax guul ah kama gaarin lixdii kulan ee ay Arsenal la ciyaartay tartamada waa weyn ee Yurub – waana tiradii ugu badneyd ee ay la ciyaarto hal koox oo aan guul ka gaarin.

●Arsenal ayaa badisay kaliya hal kulan 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda kooxaha ka socda Portugal tartamada waaweyn ee Yurub waxana ay guuldaro 1/0 ah ka soo gaartay kooxda FC Porto bishii February ee sanadkan.

●Sporting Lisbon ayaan wax guuldaro ah la kulmin afartii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka UEFA Champions League waxayna awooday in ay badiso saddex ka mid ah kulamadan.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version