Kooxaha Bayern Munich iyo PSG ayaaa caawa oo 23:00-habeenimo xiliga geeska Africa ku kulmi doono garoonka caanka ah ee Munich ee Allianz Arena kulamada 5-aad ee tartanka UEFA Champions League.

PSG ayaa ku jirta kaalinta 25-aad ee kala saraynta UEFA Champions League waxayna xilli ciyaareedkan ku jirtaa qaab ciyaareed liita dhanka weerarka.

Kooxda ka dhisan Paris ayaa 3-0 kaga badisay Toulouse isbuucaan, waxayna kalsooni ku qabi doontaa ciyaartan inay ka guul ka gaaraan Bayern Munich.

Dhanka kale kooxda Bayern Munich ayaa ku jirta kaalinta 17-aad ee kala saraynta champions League iyada oo sanadkan soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Kooxda Bavarian-ka ayaa 3-0 ku garaacday FC Augsburg kulankoodii hore, waxayna isha ku haysaa inay natiijo la mid ah gaarto toddobaadkan.

Xaqiiqoyinka Kulanka.

●Bayern Munich ayaa guul yar ka haysata PSG tartanka UEFA Champions League waxayna badiyeen 7 ka mid ah 13kii kulan ee ay labada kooxood ciyaareen, halka PSG ay gaadhay lix guulood.

●Bayern Munich iyo PSG ayaa wada ciyaaray 13 kulan oo ka tirsan tartanka UEFA Champions League waana kulankii ugu badnaa ee dhexmara koox Jarmal ah iyo koox France ah taariikhda tartankan.

●Bayern Munich ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay PSG tartanka UEFA Champions League – kaliya Juventus ayaa guulo xiriir ah ka gaartay Parisians tartanka.

●PSG ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato mid kasta oo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Bayern Munich tartanka UEFA Champions League, waana rikoorkii ugu dheeraa ee ay hal koox ka gaarto tartankaan.

Shaxaha Macquulka Ah.

Safka macquulka ah ee Bayern Munich:
Neuer;  Laimer, Upamecano, Kim, Davies;  Kimmich, Goretzka;  Olise, Musiala, Gnabry;  iyo Kane.

Paris Saint-Germain Safka macquulka ah:
Donnarumma;  Hakimi, Marquinhos, Pacho, Mendes;  Zaire-Emery, Vitinha, Neves;  Dembele, Asensio, iyo Barcola.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version