Liverpool ayaa xiiseyneysa weeraryahanka kooxda Lyon ee Malick Fofana, sida laga soo xigtay Fichajes. 19 jirkan ayaa wacdaro ka dhigaya kooxda Ligue 1 xilli ciyaareedkan, isagoo loo diiwaan geliyay shan gool iyo labo caawin 16 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Reds ayaa ku faraxsan dadaalkiisa, waxaana ay qorsheynayaan inay keenaan Anfield 2025. Kooxda Merseyside ka dhisan ayaa xilli ciyaareedkan ku jirta qaab ciyaareed heer sare ah intii uu hogaaminayo tababaraha cusub ee Arne Slot xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer Holland ayaa kooxda Liverpool la wareegay xagaagii kadib bixitaankii Jurgen Klopp. Slot waxa uu ku hoggaamiyay kooxdiisa waddada guulaha kadih markii uu isku shaandheeyay ciyaartoyda dhalinyarada khibrada leh ee joogo kooxdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inay jirto baahi loo qabo in dib loo habeeyo weerarka iyada oo ay jirto hubaal la’aanta ku xeeran mustaqbalka Mohamed Salah iyo Luis Diaz.  

Xiddiga reer Masar ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiska uu kula jiro Reds walina ma saxiixin heshiis cusub.

Dhanka kale, Diaz ayaa sidoo kale lala xiriirinayay inuu ka tagayo Anfield xagaagii.

Reds ayaa sida muuqata Fofana u aqoonsatay musharaxmusharaxoon dhanka weerarka mustaqbalka fog ah si ay u ilaalshato.

Laacibka reer France ayaa horey u muujiyay inuu diyaar u yahay inuu qaado talaabada xigta ee xirfadiisa ciyaareed.

Lyon waxaa ka jira jahawareer dhaqaale waxayna wajihi doontaa inay u laabato horyaalka Ligue 2 xagaaga soo aadan ilaa ay ku guuleysato inay xaalada wax ka bedelaan.

Kooxda reer France ayay u badantahay in ay u weecan doonto iibinta ciyaartoyda si ay wax uga qabato arinta Liverpool ayaana diyaar u ah in ay ka faa’ideysato.

Hogaamiyayaasha Premier League ayaa sida muuqata isha ku haya dalab ku kacaya €15-20m oo ay ku doonayaan Fofana, taas oo noqon karta gorgortan. Ciyaaryahanka ayaa qandaraas kula jira Lyon ilaa 2028.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version