Kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa soo galay tartanka loogu jiro saxiixa Jonathan Tah, sida laga soo xigtay Fichajes.

Daafaca reer Germany ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiska uu kula jiro kooxda Bayer Leverkusen waxana uu horay u shaaciyay in uu ka tagi doono xagaaga dambe.

Real Madrid ayaa qorshaynaysa in ay daafacyo badan kusoo kordhiso qaybta dambe ee difaaca ee 2025 kadib dhaawacyo is daba joog ah oo ka soo gaaray dhowr ciyaartoy oo daafacyadooda kamid ah.

David Alaba ayaan weli ka soo kabsan dhaawacii soo gaaray December 2024. Dhanka kale, Eder Militao uma badna inuu mar kale ciyaaro xilli ciyaareedkan kadib markii uu ka jabay ACL.

Kooxda LaLiga ayaa doonaysa in ay kaga guulaysato tartanka ay kula jirto kooxaha kooxaha Chelsea iyo Manchester City oo ku aadan daafaca kooxda LeLeverkusen ee Jonathan Tah.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona ayaa sidoo kale isha ku haaya 28 jirkan oo xiiseenaayo, Chelsea iyo Manchester City ayaa hadda ku soo biiray tartanka.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version