Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan saxiixa garabka midig kooxda AC Milan iyo xulka USA ee Christian Pulisic suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Kooxda ka dhisan Serie A ayaan diyaar u ahayn inay ku fasaxdo 26 jirkan wax ka yar €60m, oo euro sida laga soo xigtay Calciomercato (via The Hard Tackle).

Iyadoo ay weheliso kooxda ay xafiiltamaan ee Premier League, West Ham United ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay xiiso u muujisay saxiixa Christian Pulisic.

Reds ayaa lagu soo waramayaa in ay doonaysay in ay keento Anfield xiddigii hore ee kooxda chelsea tan iyo markii uu Borussia Dortmund ka tirsanaa intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2019.

Kadib afartii xilli ciyaareed ee uu joogay Chelsea, Christian Pulisic ayaa wuxuu ku biiray AC Milan 2023, waxaana qandaraaskiisa hadda ku eg yahay  ilaa xagaaga 2027.

Ciyaaryahanka hore ee kooxda Borussia Dortmund  Akademiyadooda kasoo qalin jabiyay waxa loo diiwaan-geliyay todobo gool iyo shan caawin 15 kulan oo uu tartamada u saftay Rossoneri  xilli ciyaareedkan.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version