Kooxda Manchester United ayaa laga yaabaa inay u soo bandhigto saxeexa xagaaga ee Joshua Zirkzee heshiis ay Inter Milan kaga soo qaadanayso Lautaro Martinez Old Trafford.
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Fichajes, Manchester United ayaa isha ku haysa inay sii xoojiso weerarkeeda, waxaana ay xiiseynayaan saxiixa weerariyahanka kabtanka kooxda Inter Milan iyo xulka Argentina eeLautaro Martinez.
Waxay ka fiirsanayaan inay u soo bandhigaan Zirkzee qayb ka mid ah heshiiska si loo dhimo qarashka badan ay dul saaran xididga kasoo jeeda Argentina.
Martinez ayaa ku biiray kooxda reer Talyaani xagaagii 2018 kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Racing Club, tan iyo markaas waxana uu noqday mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican adduunka.
Hishiiska kabtanka kooxda Inter ee Martinez ayaa waxa uu haatan soconaaya ilaa xagaaga 2029, waxaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo mustaqbalka dhow.
Meesha xigta ee uu u socdo Martinez ayaa noqon karta Premier League halkaas oo Manchester United ay si adag uga shaqaynayso sidii ay u sugi lahayd adeeggiisa.
United ayaa qorsheeneysa heshiis ciyaaryahan iyo lacag caddaan ah oo ay kula soo saxiixaneyso Martinez
Waxa ay bartilmaameedkooda sare ka dhigteen Martinez si ay Inter ugu qanciyaan in ay iska iibiyaan xiddigooda ugu fiican waxa ay ku fikirayaan inay heshiiska qayb kaga dhigaan Joshua Zirkzee. Waxay doonayaan inay u soo bandhigaan adduun dhan 60 milyan oo euro kooxda Inter Milan oo lagu daray xiddiga heerka caalami ee dalka Holland si ay uga soo qaataan Lautaro Martinez.