Kooxda Liverpool ayaa ku qanacsan in xiddiga Inter Marcus Thuram uu noqon karo weeraryahanka ugu fiican ee xoojin kara booska weerarkooda ee kooxda Arne Slot wuxuuna isku dayi karaa inuu ku tijaabiyo dalab qaali ah inkasta oo uu si cad u diidan yahay inuu ka tago Stadio San Siro.
Thuram, ayaa si bilaash ah ugu biiray Inter xagaagii 2023 kadib afar sano oo uu ku sugaa kooxfa Bundesliga ka ciyaarta Borussia Moenchengladbach.
Tan iyo markaas waxa uu noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A.
Sida laga soo xigtay calciomercato, Marcus Thuram ayaa la xaqiijiyay inuu sii joogaayo Giuseppe Meazza, iyada oo Reds ay ka fiirsan doonto inay u dhaqaaqdo si ay xiddiga ugu soo jiidato Anfield waxayna u soo bandhigtay mushahar aad uga sarreeya kan hadda uu qaato 6 milyan euro xilli ciyaareedkii.
In ay Inter heshiis la gasho weeraryahankii hore ee Borussia Monchengladbach ayaa noqon doonta qaybta ugu fudud ee wada xaajoodyada, maadaama ay Reds si fudud u bixin karto 85 milyan oo euro oo lagu burburin karo qandaraaska Thuram.
Si kastaba ha ahaatee, Thuram ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo inuu baaqi kusii ahaado Milan ilaa Nerazzurri ay ku qasbaan inuu isaga hayaamo kooxda, iyagoo oo isku dayaya in ay faa’iido wayn ka sameeyaan iibkiisa kadib markii ay kula soo wareegeen qaab xor ah Inter Milan 2023.
1 Comment
Waa talo fiican runtii