Pep Guardiola ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo 1 sano ah oo uu ku joogi karo Manchester City sidookale waxaa u furan inuu ku kordhiyo 12 bilood oo dheeri ah

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu 12 bilood ku kordhiyay sii joogista garoonka Etihad.

Halyeyga reer Spain ayaa ku sugnaa kooxda tan iyo markii uu ka yimid Bayern Munich xagaagii 2016.

Intii uu macalinka u ahaa, City waxay noqotay kooxdii awood badan oo koobab badan ku guulaysata England, iyagoo ku guuleystay lix ka mid ah todobadii horyaal ee ugu dambeysay ee Premier League, oo ay ku jiraan afartii ugu dambeysay, markii ugu horeysay taariikhda heerka sare ee Ingiriiska.

Guardiola ayaa sidoo kale kooxdiisa ku hogaamiyay koobkoodii ugu horreyay ee ee UEFA Champions League (2022-23) wlaiba seddexlay koobab ayuu laqaaday City  isaga oo barbareeyay rikoodhka Manchester United (1998-99) oo ahayd kooxda kaliya ee Ingiriis ah ee sidaas sameeyay.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhamaanayo dhamaadka xilli ciyaareedka, Cityna laga badiyay afartii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan waa markii ugu horeysay Guardiola oo dib u bilaabaya shaqada tababarenimo – waxaa jiray warar badan oo ku saabsan mustaqbalkiisa.

Saxafiga wax ku qora Warsidaha Athletic ee David Ornstein, ayaa laga soo xigtay si kastaba ha ahaatee, David ayaa meesha ka saaray wararka noocaas ah isagoo bartiisa twitterka ku soo qoray in Guardiola uu qarka u saaran yahay inuu sii joogo Etihad ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2025-26, isagoo ikhtiyaar u leh sanad kale

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version