Kooxaha Arsenal iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa in ay indha indheeyeen 25 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain ee Randal Kolo Muani intii lagu jiray fasaxa xulalka.
Sida lagu sheegay warbixin uu Graeme Bailey ka soo xigtay TBR Football, Arsenal iyo Manchester City ayaa isha ku haya saxiixa Randal Kolo Muani.
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa doonaysa inay kala dhamaadaan 25 jirka reer France ee Randal Kolo Muani,heshiis waqti gaaban ah marka la gaaro suuqa January.
Randal ayaa ku dhibtoonayay inuu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican tan iyo markii uu Paris Saint-Germain kaga soo biiray Eintracht Frankfurt heshiis ku kacaya 65 milyan ginni bishii Agoosto 2023 .
Dhibaatada Kolo Muani ayaa sii socotay xilli ciyaareedkan, maadaama uu kaliya ciyaaray 416 daqiiqo 12 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ah isagoo dhaliyay labo gool.
Xiddiga reer France ee Randal Kolo Muani ayaa waxaa xiiseenaaya dhowr koox oo qaaradda Yurub ah oo ay ku jiraan Arsenal iyo Manchester City, si ay u helaan adeeggiisa sanadka soo socda.
Haatan, Kolo Muani ayaa la filayaa in ay iska fasaxdo kooxda Paris Saint-Germain suuqa kala iibsiga ee soo socda ee January.
Kooxaha Arsenal, iyo Manchester City, ayaa labaduda waxay diyaar u yihiin inay kula soo saxiixdaan heshiis waqti gaaban ah suuqa Janaayo.