Kooxda Arsenal ayaa diiday qaab kasta oo ay Real Madrid kula soo saxiixanayso daafaca William Saliba, sida laga soo xigtay Football Insider.

Real Madrid ayaa wakhti dheer la dhacsan xiddiga heerka caalami ee dalka France waxaana lagu qasbay inay dardar geliyaan qorshahooda saxiixa Saliba, kadib markii ay lumiyeen Eder Militao iyo Dani Carvajal oo soo gaaray dhaawacyo halis ah oo dhanka ACL kuwaaas oo ka maqnaanaayo inta ka harsan xili ciyaareedka.

Kooxda heysata horyaalka Yurub ayaa dagaal adag kula jirta PSG, waxaana laga soo xigtay warsidaha Fichajes in ay PSG dalab 95 milyan oo Yuuro ah ka gudbisay Saliba.

Si kastaba ha ahaatee, warsidaha Football Insider ayaa ku waramaaya in Arsenal ay si cad u sheegtay inaysan dooneenin inay ka iibiyeen Real Madrid xiddiga reer Franceee William Saliba waxayna Gunners u aragtaa xubin aan laga maarmin

William Saliba waxa uu udub dhexaad u ahaa horumarka Arsenal intii uu hogaaminayay Mikel Arteta sanadihii ugu dambeeyay waxaana dad badani u arkaan daafaca ugu fiican Premier League.

Saliba ayaa qandaraaskiisa haatan ee Emirates Stadium waxa uga harsan wax ka yar saddex sano, laakiin Gunners ayaa la filayaa inay u soo bandhigto heshiis cusub si ay meesha uga saaraan raacdada ay ugu jiraan kooxaha Real Madrid iyo PSG.

Xiddiga reer France ee William Saliba ayaa 95 kulan ayuu u saftay kooxda Gunners isagoo u dhaliyay shan gool.

Saliba ayaa waxa uu 26 kulan u saftay xulka qaranka France waxana uu sidoo kale qayb ka ahaa xulkooda France oo koobka adduunka sanadkii 2022 gaadheen finalka.

Saliba oo 23 jir ah ayaa Arsenal kaga soo biiray Saint-Etienne sanadkii 2019 markaas oo ay ka soo bixisay lacag dhan 27 milyan oo Gini.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version