Rasmi: ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Tottenham Hotspur Rodrigo Bentancur ayaa lagu xukumay todobo ciyaarood oo ganaax ah iyo 100,000 oo ginni, ka dib hadal uu ku yiri saaxiibkiis Son Heung-min.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa waxaa dacwad ku soo oogay xiriirka FA-ga bishii Sebtembar kadib hadal uu ka sheegay barnaamij telefishin ah, halkaas oo uu ku kaftamay in uu shaadh ka haysto Son “ama ina-adeerkii Sonny, dhammaantood waa isku mid.”
Xidhiidhka FA-ga ayaa haatan ku dhawaaqay go’aankooda iyaga oo ganaax dheer ku soo rogay xiddiga khadka dhexe ee Spurs kaas oo lagu wado in uu seego kulamada muhiimka ah ee horyaalka premier League kadib fasaxa caalamiga ah oo ay ku jiraan kulamo ay la ciyaari doonaan kooxaha Man City,Chelsea iyo Liverpool.
Bentancur waxa uu Son ku raali galiyay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada dhacdada kadib, xiddiga heerka caalami ee dalka South Korea ayaana shaaca ka qaaday saaxiibkiis inuu ku dhawaaday inuu ilmeeyo markii ay kulmeen xigay.
Bentancur ayaa seegi doona kulamada Manchester City, Fulham, Bournemouth, Chelsea, Southampton, iyo Liverpool ee horyaalka Premier League, wuxuuna sidoo kale ka maqnaan doonaa wareega 8da Carabao Cup ee ay la ciyaarayaan Manchester United 19ka December.
Tottenham ayaa hadda fadhisa kaalinta 10-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League kadib 11 kulan oo ay ciyaartay, waxana ay urursatay 16 dhibcood.