Kooxda ka dhisan waqoyiga London ee Arsenal ayaa diyaar u ah inay dalab 90 milyan oo euro ah ka gudbiso xiddiga reer Brazil ee Raphinha marka la gaaro bisha Janaayo.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Arsenal ayaa diyaar u ah inay dalab 90 milyan oo euro ah ka gudbiso Raphinha bisha Janaayo.

Mikel Arteta ayaa suuqa soo socda ka raadinaaya weeraryahan halis ah, kaas oo Gunners ku hoggaamin kara inuu dhaliyo goolal badan iyo guulo badan intaba inuu u soo hooyo kooxda.

Heerka uu haatan joogo xiddiga Brazilian-ka ee Raphinha iyo muhiimada uu u leeyahay Catalans ayaa ka dhigi doonta mid adag inuu ka dhaqaaqo.

Arsenal kali kuma ahan tartanka loogu jiro  xiddiga ka tirsan kooxda Barcelona ee Raphinha, iyadoo Manchester City ay sidoo kale dooneyso ciyaaryahanka garabka ka ciyaara.

Waxaa jira warar sheegaya in Barcelona ay dooneyso 100 milyan euro ama ka badan si ay u iibiso Raphinha, haddii Arsenal ay dalabkaas soo bandhigto, waxaa hubaal ah inay ku dhowaan doonto dalabkooda.

Arsenal ayaana ku qasbanaan doonta inay bixiyaan 100m oo euro haddii ay doonayaan adeega xiddiga garab weerarka reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Raphinha oo ay ku doonayaan 90M oo euro si ay u helaan waa inay dhameestiraan lacagta Catalan ay ku doonayso oo ah €100m oo euro

Si kasta ha ahaatee, Arsenal aya haatan waxay ka dambeeyaan 9-dhibcood hoggaamiyaasha Premier league ee Liverpool kadib 11-kulan oo ay ciyaareen

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version