Kooxda ka dhisan waqoyiga London ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseenayso saxiixa weeraryahanka kooxda Juventus iyo xulka Serbia ee Dusan Vlahovic kaas oo lagu wado weeraryahanka reer Serbia ee Vlahovic in uu u dhaqaaqo Gunners suuqa January.
Falanqeeyaasha iyo taageerayaasha ayaa si isku mid ah ugu booriyay Gunners inay la soo wareegaan weeraryahan xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay laakiin wali ma aysan sameynin.
Waxa ay xitaa xagaagii ka iibiyeen Eddie Nketiah Crystal Palace laakiin way ku fashilmeen in ay la soo saxiixdaan beddalkiisa.
Kai Havertz ayaa haatan ah weeraryahankooda koowaad iyadoo Gabriel Jesus uu u yahay keyd. Halka Havertz uu dhaliyay afar gool xilli ciyaareedkan, Jesus wax gool ah ma dhalin.
Sidaa darteed, Arsenal ayaa mar kale lala xiriiriyay dhowr weeraryahan sida Viktor Gyokeres iyo Alexander Isak.
Si kasta ha ahaatee, sida laga soo xigtay Wargayska Football London qandaraaska weeraryahanka reer Serbia ee Juventus ayaa wuxuu dhacayaa 2026 labada dhinac wax horumar ah kama samayn qandaraas cusub.
Haddii uusan saxiixin qandaraas cusub, Bianconeri ayaa isku dayi doonta inay iska iibiso si ay u hesho qiimaha suuqa halkii ay ku fasaxi lahayd si bilaash ah 2026.
Arsenal, oo sidoo kale lala xiriirinaayay Vlahovic markii uu Juventus kaga soo biiray Fiorentina bishii Janaayo 2022 laakiin waa ay ku fashilmeen saxiixiisa.
Sida ku cad shabakdda Transfermarkt, Vlahovic ayaa waxaa lagu qiimeeya adduun dhan €65 milyan oo euro
Vlahovic, oo 24 jir ah, ayaa dhaliyay sagaal gool, waxaana uu caawiyay hal gool 16 kulan oo uu tartamada u saftay kooxda reer Talyaani xilli ciyaareedkan.