Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay 31 sanno jirka weerarka uga ciyaara xulka Ingiriiska ee Harry Kane kala soo wareegto kooxda Bundesliga ka ciyaarta ee Bayern Munich sanadka soo socda.

Sida laga soo xigtay jariiradda Isbaanishka ee Fichajes, Harry Kane ayaa ah bartilmaameedka ugu wayn oo ay xiiseynayaan kooxda Manchester United inay gacanta kusoo dhigaan sanadka dambe.

Red Devils ayaa miisaameysa inay lasoo saxiixato weeraryahan cusub sanadka soo socda, iyadoo weeraryahanka Bayern Munich ee Harry Kane oo uu bartilmaameed u yahay.

Harry Kane ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican aduunka ee weerarka ka ciyaara, tan iyo markii uu Bayern Munich kaga soo biiray Tottenham Hotspur bishii August 2023.

31 jirkaan ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya Bundesliga xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay u badan tahay inuu mar kale ku guuleysto Torjägerkanone xilli ciyaareedkan.

Kane waxa uu ka qayb qaatay 26 gool 16 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan ilaa hadda isaga oo shabaqa soo taabtay 17 jeer waxana uu caawiyay sagaal gool  11 gool ayuu ka dhaliyay Bundesliga, iyadoo Omar Marmoush uu la siman yahay isaga oo hogaaminaya gooldhalinta.

Mustaqbalka fog xiddiga Kane ee Bayern Munich waa mid aan la hubin, iyadoo kooxaha ugu waa wayn ee qaaradda Yurub oo ay doonayaan inay helaan adeegiisa suuqa kala iibsiga xagaaga 2025.

Manchester United ayaa noqon doonta mid ka mid ah kooxaha doonaya xiddiga heerka caalami ee dalka England sanadka soo socda.

Manchester United ayaa weli si qoto dheer ah u xiiseenaysa Harry Kane, waxayna ka fikirayeen inay la soo saxiixdaan xiddiga reer England suuqii xagaaga ka hor inta uusan ku biirin Bayern Munich.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sababta ay Red Devils weli u dooneyso inay la soo wareegto weeraryahankii hore ee Tottenham sanadka soo socda.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version