Sida laga soo xigtay wargayska caanka ah ee Daily Mail, Liverpool ayaa u aqoonsatay Rayan Cherki beddelka suurtagalka ah ee Mohamed Salah.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Masar ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Anfield.
Qandaraaska Salah ee haatan ee Reds waxa uu dhacayaa June 2025.
32-sano jirkaan ayaan weli qalinka ku duugin heshiis cusub, waxaana laga yaabaa inuu si xor ah uga tago xagaaga soo socda, waxaana si aad ah loola xiriirinaayaa inuu u dhaqaaqayo Sacuudiga.
Liverpool ayaa haatan qorshaynaysa la’anta nolosha Mohamed Slah, waxayna suuqa ka baadi gooabayaan beddelkiisa.
Reds ayaa u aragta beddelka xiddigooda Mohamed Salah xiddiga kooxda Lyon ee Rayan Cherki. 21-jirka kooxda Lyon ee Rayan Cherki waa mid ka mid ah xididgaha hibada leh oo aadka looga qiimeeyo horyaalma faransiiskaa ee Ligue .
Liverpool ayaa haatan isku dayi doonta in ay fursadan uga faa’iidaysato sidii ay Lyon uga iibin lahayd Cherki. Laacibka heerka caalami ee xulka qaranka France U-21 ayaa haatan ku fadhiya qiime dhan 20 milyan oo euro sida ku cad Transfermrkt.
Tan iyo markii uu u saftay kooxdiisa koowad ee Lyon 2020, Cherki waxa loo diiwaan geliyay 19 gool iyo 28 caawin 152 kulan oo uu u saftay.
Salah ayaa Liverpool ku soo biiray 2017 markaas oo uu kaga soo biiray AS Roma.
Tan iyo markaas, waxa uu isu taagay mid ka mid ah weeraryahannada ugu halista badan kubbadda cagta, isagoo dhaliyay 221 gool isla markaana abuuray 99-caawin kagadaal 221 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Merseyside.