Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka fikireyso heshiis isdhaafsi ah oo ay kula soo saxiixaneyso 25 jirka reer Nigeria Victor Osimhen oo ka tirsan kooxda Serie A ee Napoli.
Sida laga soo xigtay weriyaha talyaaniga Gerardo Fasano ee Area Napoli, Victor Osimhen ayaa ah bartilmaameedka ugu wayn oo ay xiiseenayaan Manchester United.
Red Devils ayaa miisaameysa heshiis qeyb ka mid ah oo ay kula soo saxiixaneyso 25 jirka weerarka uga ciyaara Napoli, waxaana laga yaabaa in Joshua Zirkzee loo soo bandhigo kooxda ka dhisan Serie A taas oo qeyb ka ah qorshaha cajiibka ah isku beddelashada ah.
Osimhen oo qaab amaah ah ugu sugan kooxda Galatasaray ayaa waxa uu ka qayb qaatay 12 gool sagaal kulan oo uu saftay tartamada oo dhan Galatasaray, isaga oo shabaqa soo taabtay sideed jeer sidoo kalena caawiye ka noqday afar gool.
Xiisaha Manchester United ee Victor Osimhen ayaa ah mid iska cad oo la fahmi karo, iyagoo tixgelinaya inay u soo bandhigaan Joshua Zirkzee heshiiska qayb ka mid ah si ay ugala soo wareegaan Napoli.
Zirkzee waxa uu ku dhibtooday inuu goolal badan u dhaliyo Red Devils tan iyo markii uu Old Trafford kaga soo biiray kooxda Bologna suuqii xaggaaga. Intaa waxaa dheer, weeraryahanka Dutch-ka ayaa sidoo kale qaab ciyaareed liita ku jira xididga Rasmus Hojlund.
Marka, dhowr weeraryahan, oo uu ku jiro Harry Kane, ayaa ka soo muuqday raadaarka Manchester United. Si kasta ha ahaatee, Osimhen ayaa sidoo kale bartilmaameed macquul ah u ah kooxda Premier League, waxaana laga yaabaa inay Zirkzee u soo bandhigaan heshiis ay isku weedaarsanayaan labada dhinac.