Sida laga soo xigtay Caught Offside, Leroy Sane ayaa laga yaabaa inuu door bido inuu u dhaqaaqo kooxaha London halkii uu u wareegi lahaa Manchester oo xiisenaysa.

Qandaraaska xiddiga garab weerarka uga ciyaara Bayern ee Sane wuxuu dhacayaa xagaaga soo socda, haddii aysan heshiis cusub ka saxiixin Bavarians, wuxuu ku laaban karaa Premier League, iyadoo Manchester United iyo Arsenal ay xiiseenayaan.

Leroy Sane ayaa weli ah mid ka mid ah xiddigaha garab weerarka ka ciyaara kuwoooda ugu fiican badan Yurub inkastoo uu xilli ciyaareedkan ku dhibtooday Bayern Munich.

Durba waxa uu galayaa sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa sido kalena xididgan ayaa no1day mid aan boos joogta ah ka waayay Munich, waxaana laga yaabaa inay saameyn ku yeelato go’aanka kooxda ee ah inay heshiis cusub u soo bandhigto xiddiga garabka ka ciyaara, maadaama Sane uu si beeca xorta ah uga tagi karo xagaaga soo socda.

Kooxaha reer London ee Arsenal Newcastle United iyo Chelsea ayaa dhammaantod xiiseenaaya adeega xididga garab weerarka uga ciyaara Munich iyo xulka Germany ee Leroy Sane oo lagu wado inuu isaga hayaamo qalcadda Allianz Arena.

Manchester United ayaa sidoo kale xiiseenaysa xiddiga heerka caalami ee dalka Germany ee Sane, Iyada oo Manchester United ay doonayso inay ku beddelan garab weerarka Flopka ka noqday ee Antony kaas oo lagu wado inuu ka tago Man United bisha Janaayo.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version