Trent Alexander-Arnold ma cusbooneysiin doono qandaraaska uu kula jiro Liverpool, taas oo wadada u xaareysa in Real Madrid ay u dhaqaaqdo.

Sida laga soo xigtay Cadena SER, Trent Alexander-Arnold ma saxiixi doono heshiis cusub Liverpool marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga.

Real Madrid ayaa ah kooxda hoggaanka u haysa daafaca midig xilli guddomuyaha Madrid ee Florentino Perez uu wali ku riyoonaayo in uu beeca xorta ah ku keeno xiddiga reer England xagaaga dambe.

Horraantii xilli ciyaareedka, wararka ayaa sheegayay in Trent Alexander-Arnold uu doonayo inuu isaga hayaamo qalcadda Anfield islamarkaana riyadiisa ay tahay inuu xirto maaliyadda cad-cadka ee Madrid.

Marka la eego sida ay wax u socdaan daafaca midig ee Trent Alexander-Arnold ayaa la filayay inuu go’aan ka gaaro inuu sii joogo Anfield lama isaga hayaamo balse xiddigan ayaa maanka ku haaya qalcadda Santiago Bernabeu inuu ka ciyaaro xagaaga dambe.

Guddoomiyaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa doonaaya inuu si bilaash uu ku keeno dafaca midig reer England iyo kooxda Reds ee Trent Alexander-Arnold gigada Santiago Bernabeu xilli ciyaareedka dambe.

Wararka la isla dhexmarayo, Real Madrid ayaa rumeysan in Alexander-Arnold uusan heshiis cusub u saxiixi doonin Liverpool, inkastoo Merseysiders ay si weyn u xiiseynayaan inay sii heystaan ​​xiddigooda dambeedka midig.

Alexander-Arnold ayaa waayihiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay Liverpool, halkaas oo uu kula soo guulaystay koobabka Premier League iyo Champions League.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay xiddigan u keento qayb ka mid ah mashruuceeda inkasta oo dhaawacii soo gaadhay Dani Carvajal la arkayay warbixino sheegaya in ay si degdeg ah ugu dhaqaaqi karaan January.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version