Kooxda Manchester United ayaa sahminaysa fikradda ah inay u soo dirto Antony qayb ka mid ah heshiiska ay kula soo wareegayso da’yarka Brazilian-ka ah ee Lorran oo ka tirsan Flamengo.

Sida laga soo xigtay TBR, Manchester United ayaa ku fikiri karta in ay u dirto Flamengo garabka aan loo baahnayn ee Antony si ay u keento da’yarka weerarka uga ciyaara Flamengo ee Lorran garoonka Old Trafford.

Kooxda Flamengo ayaa aad u doonaysa in ay la soo wareegto xiddigii hore ee Ajax, halka 18 jirka reer Brazil uu aad u danaynayo in uu xirfadiisa ciyaareed ka bilaabo England.

Kailya waxaa la sugaayaa in heshiiska ay dhammeeyaan laba dhinac ay khusayso.

Manchester United ayaa waxaa u bilaabanaaya waayo cusub, kadib markii uu qabtay macalinka reer Portugal ee Ruben Amorim.

Iyadoo tababaraha reer Portugal uu isku diyaarinayo inuu maamulo kooxda oo uu leyliyo kulankiisii ​​ugu horreyo kadib kulamada fasaxa caalamiga ah, wuxuuna go’aan uu ka gaaraayaa dhowr ciyaartoy oo kooxda Manchester United ka tirsan.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay inay Antony ku iibiso qiimo sax ah, in kasta oo uu jiro shaki weyn in kooxaha doonaya ay bixin doonaan inta ay kooxdu doonayso.

Si kastaa ha ahaatee, waxaa jira xiiso uga imaanaya dalkiisa Brazil, xididga United ee Antony maadaama Flamengo ay tahay kooxda u hanqal taagaysa saxiixiisa.

Manchester United, ayaa dhankeeda, waxay dooneysaa inay tixgeliso xiisaha uga imaannaaya kooxda Flamengo oo ku aadan xiddigooda Antony, islamarkaana heshiis isdhaafsi ah ay kula soo saxiixato United garabkooda Lorran.

Laacibka reer Brazil ee 18 jirka ah ayaa wacdaro ka dhigay 30 kulan oo uu u saftay kooxda reer Brazil, Red Devils ayaana isha ku heysa ciyaaryahanka tan iyo markii uu 17 jirsaday.

Kooxo badan oo kale oo Premier League ah ayaa isha ku haaya da’yarka, iyadoo 18-jirka reer Brazil uu aad u doonayo inuu u wareego England.

Lorran ayaa 50 milyan lagu burburin karaa qandaraaskiisa, inkasta oo Flamengo ay u furan tahay inay ku iibiso qiimo aad uga hooseeya marka la gaaro bisha Janaayo

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version