Kooxda Manchester United ayaa la xiriirtay saxiixa weeraryahanka kooxda Lille ee Jonathan David waxayna wadahadalo kula jirtaa wakiilada ciyaaryahanka, sida ay wararku sheegayaan.
Kooxda ugu guulaha badan horyaalka waddanka ingiriiska Premier League ee Red Devils ayaa lala xiriirinaayay weeraryahanka xagaagii, oo ay kula tartamaayeem kooxaha Chelsea iyo Newcastle, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Kanada waxa uu kusii nagaaday kooxda faransiiskaa Ligue 1 ee Lille.
David ayaa waxaa lagula saxiixan karaa qaab beeca xorta ah marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu heshiis horudhac ah la gali karaa bisha Janaayo kooxo ajnabi ah.
Majaladda Talyaaniga ee TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in David uusan kordhin doonin heshiiska uu kula joogo Lille taas oo ka dhigan inuu ka tago kooxda Lille oo ka ciyaarta horyaalka waddanka faransiiskaa ee Ligue1.
David ayaa u dhaliyay kooxda Lille 97 gool 202 kulan oo uu u saftay sidoo kale 30 ka mid ah 57 kulan oo uu u saftay qarankiisa taas oo ka dhigi doonta mid kamid ah in xiddigaha loogu doonista badan ee qarada Yurub.
David ayaa lagu heli karaa qarash dhan 34.7 milyan euro inkasta oo uu si weyn hoos ugu dhacay marka loo eego in heshiiskiisa oo uu ku joogo garoonka kooxda Lille ee Stade Pierre-Mauroy in kayar hal sano.