Christopher Nkunku ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay inuu ku biiro Manchester United kadib markii uu boos joogta ah ka waayay Blues.

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Christopher Nkunku ayaa lagu soo waramaayaa inuu ku biiraayo Manchester United suuqa kala iibsiga ee soo socda ee Janaayo, sida laga soo xigtay ilo ku dhow ciyaaryahanka.

Warsidaha Football Insider ayaa laga soo xigtay in Nkunku, oo 26 jir ah lagu wado inuu ku biiro kooxdaa ku ciyaarta Old Trafford..

Nkunku ayaa kusoo qaatay xilli ciyaareed aan fiicneenin kadib markii uu toban gool u dhaliyay Chelsea tartamada oo dhan.

Inkasta oo uu qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ku soo bandhigay koobkii Europa League iyo League Cup, Nkunku aya dareemay laf ahaantiisa in laga dhigay dooqa labaad ee Backup kadib markii uu arkay inuu ka muhiimsan yahay weerariyahanka Nicolas Jackson oo uu ka door biday macalinka Chelsea ee Enzo Maresca.

Manchester United ayaa hubaal ah inay ka faa’iidaysan karto  weeraryahan wax badan kusoo kordhiya islamarkaana daboolo baahida gooldhaalinta ee weerarka sida Nkunku.

Afka hore ee weerarka oo ka kooban Rasmus Hojlund, Marcus Rashford, iyo Joshua Zirkzee ayaa ku dhibtooday inay helaan qaab ciyaareed, fiiican iyadoo mid walba uu dhaliyay hal gool ilaa iyo xilli ciyaareedkan.

Baahida ay United u qabto gool dhaliye khibrad leh oo la isku halayn karo ayaa sii xoogaysatay iyaga oo doonaya in ay xoojiyaan doorkooda weerarka si ay ugu sii jiraan tartanka Premier League.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version