Ruben Amorim ayaa sheegay in Manchester United ay tahay inay sugto ka hor inta aysan la soo wareegin ciyaaryahan kasta oo Sporting ah

Ruben Amorim ayaa ku adkaysanaya Manchester United aysan la soo saxiixan doonin ciyaartoy Sporting CP suuqa January laakiin waxa uu qirtay in uu soo dhawaynayo fursad uu Pedro Goncalves ku keeni karo Old Trafford.

Amorim ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inuu yahay bedelka Erik ten Hag usbuucii hore wuxuuna u dhaqaaqi doonaa Premier League isniinta kadib markii uu maamulay Sporting markii ugu danbeysay ee ay horyaalka ku martigeliyaan Braga fiidnimadii Axada.

Weeraryahanka kooxda Sporting ee Viktor Gyokeres, oo seddexley ka dhaliyay Manchester City Champions League ee isbuucaan, ayaa durba lala xiriiriyay inuu u wareegayo United, inkastoo Chelsea iyo Arsenal ay sidoo kale isha ku hayaan horumarkiisa xiddiga Portuges-ka

Laakiin Amorim ayaa ku adkeysanaya in United ay u baahan doonto inay sugaan ilaa xagaaga soo aadan ka hor inta aysan isku dayin inay la soo wareegaan ciyaaryahanada kooxda Sporting CP.

“Ma yeeli doono bisha Janaayo, in la sameeyo dhaqaaq suuqa xagga Sporting CP ah taasi waa waxa aan idhi. Ma aqaano xagaaga ,’ Amorim ayaa yidhi Sabtidii”.

“Qodobka ugu horreeya ayaa ah in la sugo waa ilaa xagaaga. Ciyaartoyda Sporting waa ciyaartoy aad u wanaagsan. Ma garanayo. Waan arki doonnaa”.

Dhanka kale, Goncalves, wuxuu fure u ahaa nidaamka macalin Amorim ee Sporting, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay labadii xilli ciyaareed ee ay kooxdu ku guulaysatay horyaalka Portugal.

Markii si gaar ah wax looga weydiiyay u dhaqaaqista Goncalves kadib markii uu noqdo tababaraha United, Amorim wuxuu yiri: “Wuxuu ka ciyaari karaa koox kasta oo adduunka ah iyo ciyaaryahan kasta, sababtoo ah waa ciyaaryahan weyn.”

“Meel kasta waan geyn karaa. Waa mid aad u qosol badan, taas oo hagaajinaysa xiriirka shakhsi ahaaneed aan la leeyahay isaga waa ciyaartoy akhlaaq leh.”

“Sidoo kale aad ayuu u caqli badan yahay, waa inuu diirada saaraa Sporting sababtoo ah waa inaan noqono horyaal sanadkan. Laakiin waxa uu ka ciyaari karaa koox kasta oo adduunka ah”.

Amorim ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay isku diyaarinta shirkiisii ​​jaraa’id ee ugu horeeyay ee England marka uu u dhaqaaqo United usbuuca soo socda.

“Diyaar ayaan ahay, dabcan waa inaan wax badan ka fikiraa erayada,” Amorim ayaa yidhi.”

“Shirkan aan ku yeeshay halkaas waxa uu ahaan doonaa mid aad uga sii badan oo aasaasi ah. Laakiin waa inaan ahaado mid caqli badan. Manchester United had iyo jeer waa kooxda ay dadku aad uga hadlaan halkaas. Laakin aniguba kama welwelo. Ingiriisku dhibka iigu weyn ma noqon doono”.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version