Victor Osimhen ayaa meesha ka saaray in uu u dhaqaaqi karo Chelsea  suuqa January waxana uu wacad ku maray in uu sii joogayo Galatasaray ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa wadahadalo horumar leh la qaadatay Napoli oo ku saabsan heshiiska ay kula soo wareegayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria dhamaadkii suuqa kala iibsiga xagaaga

Osimhen ayaa waxa uu amaah ugu biiray Galatasaray xilli ciyaareedkan waxana uu u dhaliyay lix gool sideed kulan oo uu u saftay kooxda Turkiga.

Victor ayaa hadda si cad u sheegay inuu doonayo inuu xilli ciyaareedka kusoo bandhigo qaab ciyaareed cajiiba ah kooxda Galatasaray, oo haatan saddex dhibcood ku haysa hogaanka horyaalka Turkiga, isla markaana ku jirta kaalinta saddexaad ee kala sarreynta tartanka Europa League, ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen gurigooda. Tottenham fiidnimadii Khamiista.

“Waxaan halkaan u joogaa ciyaaryahan Galatasaray ah, halkaan ayaan ku faraxsanahay,” Osimhen ayaa yiri kadib markii uu dhaliyay labo gool qeybtii hore ee guushii ay ka gaareen Spurs.”

“Tan iyo markii aan hor imid taageerayaasha Galatasaray, hortooda kooxda, waxaan arkay sida ay qoys weyn u tahay kooxdani. Sidii ay aniga iyo qoyskaygaba ula dhaqmeen waa si cajiib ah. Waa muhiim inta karaankayga ah inaan siiyo waqtigayga islamar ahaantaana aan u hagar baxo kooxda Galatasaray.”

“Waxaan arkay wax badan oo la isla dhexmarayo oo sheegaya inaan ka tagayo kooxda bisha Janaayo, waxaan ku sheegi karaa aniga hadda waxaan halkaan joogi doonaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.”

“Kadib ma garanayo waxa ay Galatasaray iyo Napoli ka wada xaajoonayaan, laakiin dabcan, haddii ay ii yimaadaan si ay uga hadlaan hal ama laba shay oo ku saabsan kooxdan, waan tixgelin lahaa, dabcan.”

“Laakin hadda halkaan ayaan joogaa, waxaan diirada saarayaa kooxdaan, waxaan diirada saarayaa hadafka ay kooxdu dejisay, waxaana doonayaa inaan wax walba bixiyo oo aan hubiyo inaan ku guuleysano horyaalka iyo hadii aan ku sii socon karno Europa League sidoo kale waan ku guuleysan karnaa sababtoo ah waxaan heysanaa koox wanaagsan”.

“Ilaa iyo hadda waxaan ku raaxaysanayaa joogitaankayga Istanbul, waa koox cajiib ah oo aan joogo, halkaas ayaan joogi doonaa, aniga ahaan waxa muhiim ii ah in aan ku raaxaysanayo kubbada cagta hadda, wax badan ayaan u qabanayaa nafteyda qoyska iyo, dabcan, naadigan. Waan ku faraxsanahay inaan halkan joogo.”

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version