Kooxda uu hoggamiyo macalin Pep Guardiola ee Manchester City ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo saxiixa bartilmaameedka xagaaga Liverpool ee Martin Zubimendi.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Football Insider, Manchester City ayaa laga yaabaa inay isku daydo saxiixa Martin Zubimendi si ay ugu xoojiso khadkeeda dhexe.

Macalin Pep Guardiola ayaa xiiseenaaya adeega bartilmaameedka Liverpool, ee Zubimendi waxaana ay ku kalsoon yihiin inay ku qancin karaan xiddiga heerka caalami ee dalka Spain inuu u dhaqaaqo England gaar ahaan qalcadda Etihad Stadium.

Zubimendi ayaa waxa uu si joogto ah uga dhex muuqday kooxda kowaad ee So tan iyo xagaagii 2020. 25 jirka waxa uu hore ugu soo muuqday in ka badan 200 oo kulan.

Reds ayaa waxay heshiis la gaareen kooxfa Real Sociedad oo ku aadan xiddigooda Zubimendi inay keenaan Anfield wuxuuna u muuqday mid u dhaqaaqaya Anfield, laakiin Zubimendi ayaa ugu dambeyntii diiday.

Kooxda Guardiola ayaa isha ku haysa in ay xoojiyaan khadkooda dhexe suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Ku guuleystaha Abaalmarinta Ballon D’Or ee Rodri ayaa dhaawac halis ah ka soo gaaray jilibka bilowgii xilli ciyaareedka, waxaa la filayaa inuu maqnaado inta ka harsan xili ciyaareedkan 2024/25, Man City ayana beddel kaga dhigaysa xiddiga kooxda Real Sociedad iyo xulka Spain ee Martin Zubimendi.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version