Kooxda Reds ayaa kalsooni xoogan ku qabta in Mohamed Salah uu mudnaan gaar ah siin doono Reds, marka loo eego kooxaha kale ee doonaya, adeeggiisa maadaama la sheegay in kooxdu ay wada hadalo la yeelatay.

Sida laga soo xigtay Football Insider,  Reds ayaa la sheegay inay wadahadalo hoose la yeelatay Mohamed Salah oo ku saabsan heshiis kordhin.

Qandaraaska haatan ee Salah oo uu kula jiro kooxda ku ciyaarto Anfield ee Reds ayaa dhamaanaya xagaaga soo socda, wuxuuna uu wadada u xaaraya inuu aado horyaalka Saudi Arabia iyada oo ay jiraan kooxo kale, laakiin Reds ayaa aaminsan in uu doorbidayo in uu sii joogo Anfield.

Mustaqbalka fog xididga xulka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa go’aan laga gaaraaya xilli dambe.

Reds ayaa durba raadineysa dookhyo ay ku bedesho hadii Salah uu baxo xagaaga soo aadan, maadaama ay hubaan in go’aan kasta oo mustaqbalkiisa ah uu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka.

Liverpool ayaa wadahadalo hoose la yeelatay ciyaaryahanka, inkastoo aysan weli helin wax horumar ah oo ay ku xaliyaan xaalada. Sidaa darteed, go’aan kasta oo ku saabsan mustaqbalkiisa waxay u badan tahay inuu iman doono xilli dambe.

Si kasta ha ahaatee, kooxda Merseyside-ka ayaa kalsooni ku qabta inuu doorbidi lahaa inuu sii joogo oo uu mustaqbalkiisa ka sii wato Anfield halkii uu u wareegi lahaa, Saudi Arabia. 

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version