Brighton & Hove Albion ayaa sabtida garoonkeeda Amex Stadium ku marti galin doonta Manchester City, iyadoo labada kooxoodba ay doonayaan inay ku soo laabtaan wadada guusha ee Premier League.
Kooxaha Manchester City, & Brighton & Hove Albion, waa ay dhibtoonayaan waxaana laga badiyay seddexdii kulan ee tartamada oo dhan. Pep Guardiola ayaa si weyn uga niyad jabay qaab ciyaareedka kooxdiisa, wuxuuna ciyaartoyda ka dalban doonaa falcelin adag.
Kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa u baahan in ay ku soo laabato wadada guusha hadii ay doonayso in ay sii xajisato koobkeeda horyaalka xilli ciyaareedkan.
Xaqiiqoyinka Kulanka:
●Manchester City ayaa badisay 13-ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Brighton & Hove Albion tartamada oo dhan.
●Manchester City ayaa ku guuldareysatay inay badiso seddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan.
●Brighton & Hove Albion ayaa ku guuldareysatay inay badiso afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan.
●21 gool ayaa la kala dhaliyay lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay labadan kooxood wada ciyaareen.
●Danny Welbeck ayaa ku guuldareystay inuu gool ka dhaliyo 19-kii kulan ee uu ka horyimid Manchester City. Goolka kaliya ee uu ka dhaliyay iyaga waxa uu ahaa kulankii ay Manchester United 3-2 kaga badisay meel ka baxsan garoonkeeda wareega saddexaad ee FA Cup 2012.