Macalinkii hore kooxaha Chelsea Real Madrid Inter Tottenham iyo United ee Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseynayo inuu qabto shaqada kooxda Newcastle United.

61-sano jirkan ayaa qabtay kooxda ka dhisTurkiga ee Fenerbahce xagaagii, kadib markii laga ceyriyay kooxda reer Talyaani ee Roma horaantii sanadka.

Fenerbahce ayaa hadda fadhisa booska seddexaad ee kala sareynta Super Lig ka dib bilow adag, iyadoo shan dhibcood ka hooseysa hogaamiyaasha horyaalka ee Galatasaray.

Sida laga soo xigtay The Guardian, tababaraha reer Portugal Mourinho ayaa doonaaya ku laabashada Premier League inkasta oo uu ku biiray Fenerbahce bilowgii xilli ciyaareedkan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in 61-sano jirkaan uu aad u xiiseynayo xaalada ka socota Newcastle, halkaas oo milkiilayaasha Sacuudi Carabiya ay doonayaan inay kooxda Waqooyi-Bari ka dhigaan kooxaha ugu sarreeya ciyaaraha Yurub.

Waxaa la fahamsan yahay in Mourinho la weydiistay in lala socdo xaaladaha ku xeeran mustaqbalka Eddie Howe ee Magpies.

Tababarihii hore ee Bournemouth ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu bedelayo Gareth Southgate oo ahaa macalinka England, si kasta ha ahaatee xiriirka kubada cagta ee FA ayaa ku dhawaaqay inay u magacaabaan tababaraha Jarmalka Thomas Tuchel doorka bishii Oktoobar.

Waxaa la rumeysan yahay in Mourinho uu xiriir la yeeshay madaxda Newcastle, isagoo kula kulmay guddoomiyaha kooxda ee Grand Prix ee Saudi Arabia bishii March wuxuuna rabaa inuu noqdo beddelka macalin Eddie Howe.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version