Indha-indheeyeyaal Manchester City ah ayaa kormeeray qaab ciyaareedka xidiga Munich ee Jamal Musiala iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League ay dooneyso inay keento qalcadda Etihad Stadium.

Sida laga soo xigtay TBR, Manchester City ayaa xiiseenaysa inay lasoo wareegto xiddiga da’yarka ee Jamal Musiala kaas oo kamid ah xiddigaha ugu fiican jiilkiisa.

Pep Guardiola ayaa 21 jirka Bayern Munich u arka mid muhiim u ah xagaaga soo socda, si uu ugu daro qorshihiisa, inkasta oo Bavaria ay samaynayso dadaal ay ku doonayso inay heshiis cusub ka saxiixato.

Jamal Musiala ayaa kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee Bayern Munich umana badno inay iska fasaxaan xiddigan da’yarka isaga oo durba muujiyay qiimaha uu ku leeyahay kooxda Bayern Munich.

21-sano jirkan ayaa si weyn loogu tixgaliyaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskiisa, maadaama qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn ay diyaar u yihiin inay dalab ka gudbiyaan xagaaga soo aadan.

Heshiiska haatan ee Musiala ayaa socda ilaa 2026, taas oo ka dhigaysa mid gaar ah oo ay Bayern Munich ku qasbi doonto in ay lacag kaash ah ku hesho xagaaga dambe.

Kooxda Bavarians-ka wax qorshe ah malahan oo ay ku iibinayso inkasto Munich ay doonayaan inay ka dhigaan ciyaartoygooda ugu mushaarka badan.

Sikasta ha ahaatee kooxaha Chelsea Man United Man City Arsenal Iyo Real Madrid ayaa dhammaantood doonaaya inay lasoo wareegaan xididga kooxda Munich ee Jamal Musiala.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version