Kooxda reer London ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay wakiilada 17-jirka reer Portugal ee Geovany Quenda, kaas oo diirada u saaran Liverpool iyo Manchester United.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay TEAMtalk, Geovany Quenda ayaa bartilmaameed muhiim u ah kooxda ka dhisan waqoyiga London ee Arsenal.

Gunners ayaa la xiriirtay kooxda Sporting CP oo ku aadan xididga Quenda si ay ula soo wareegan.  Dhanka kale, xiddiga cajiibka ah ee reer Portugal ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Manchester United oo ay ku loolamayaan saxiixiisa.

17-sano jirkaan ayaa u saftay kooxdiisii ​​ugu horeysay ee Sporting CP bilowgii xilli ciyaareedka 2024/25.

Warbixinadii u dambeeyay ayaa sheegayay in kooxaha Arsenal iyo Liverpool ay gudbiyeen su’aalo ay kaga hadlayaan xaalada Quenda.

Dhanka kale, xiisaha Liverpool ee Geovany Quenda waa mid la fahmi karo.  Reds ayaa ku jirta xaalad ay ka walaacsan yihiin mustaqbalka Mohamed Salah. Inkastoo aysan. u badneyn inuu si toos ah u buuxiyo booska Masaarida.

Dhanka Chelsea, Quenda ayaa kaliya noqon karta dookh mudan in la tixgeliyo haddii ay iska iibiyaan ugu yaraan hal weeraryahan.

Geesta kale Manchester United ayaa sidoo kale dooneysa inay Quenda kala soo wareegto Sporting CP.  Waxayna iska iibinayaan xiddigaha Antony iyo Jadon Sancho kuwaas oo ah Flops lacago qaali ah.

Mucjisada da’yarka reer Portugal ma noqon doono mid raqiis ah, iyadoo loo tixgelinayo in lacagaha lagu burburin karo qandaraaskiisa Sporting CP ee tahay kuwa qaali ah Intaa waxaa dheer, kooxda heysata horyaalka Primeira Liga uma badna inay wada xaajood la gasho kuwa mustaqbalka doonaya ee ku saabsan 17 jirka cajiibka ah.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version