Man Utd ayaa caawa oo khamiis ah kusoo laaban doonta ciyaaraha Europe League iyaga oo marti galinaaya kooxda reer Greek ee PAOK.

Ruud van Nistelrooy ayaa weli si ku meel gaar ah usii heen doono kooxda Red Devils kahor imaanshiyaha Ruben Amorim.

Red Devils ayaa raadineysa guushii ugu horeysay ee tartanka UEFA Europa League marka ay kusoo dhaweenayaan Old Trafford PAOK kadib seddex kulan oo barbaro ah.

Manchester United ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii ugu horaysay ee Europa League fiidnimada Khamiista iyada oo Old Trafford ku marti galinaysa kooxda reer Greek ee PAOK.

Tababaraha soo socda ee Ruben Amorim ayaa ka farxiyay taageerayaasha United fiidnimadii talaadada kadib markii uu ka badiyay City, laakin wali waxaa si kumeel gaar ah u haayo tababaraha reer Holland ee Ruud van Nistelrooy kaas oo qabtay United badhtamaha todobaadka.

Tababaraha sida ku meel gaarka u haayi ee reer Holland Ruud van Nistelrooy ayaa ku xasuuqay 5-2 kooxda Leicester City kulankiisii ​​ugu horeeyay laakiin Red Devils ayaa ku soo laabatay ciyaarta barbaro 1-1 ah oo ay la gashay Chelsea dhamaadkii todobaadka.

Xaqiiqoyinka:

●Manchester United ayaa badisay dhamaan lixdii kulan ee ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha Giriiga,waxana ay ku badisay 20-1; Kulanka Khamiista ayaa noqon doona kulankoodii ugu horreeyay abid oo ay la yeeshaan PAOK.

●PAOK ayaa laga badiyay labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Chelsea xilli ciyaareedkii 2018/19.

●Manchester United ayaa guul la’aan ah lix kulan oo waa weyn oo Yurub ah (4-bar-baro iyo 2-khasaaro), waa markoodii ugu xumaa tan iyo intii u dhaxaysay 1980 iyo 1983 (sidoo kale lix). Red Devils waligeed ma aysan noqon todobo kulan oo guul la’aan ah.

●PAOK ayaa laga badiyay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen UEFA Europa League (D1) tan iyo markii ay 4-1 kaga badiyeen kooxda Belarusian BATE Borisov bishii Oktoobar 2018.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version