Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku tartamayaan ciyaaryahanka garabka weerarka Bayern Munich ee Leroy Sane.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan xaaladda xididga Leroy Sane iyadoo xiddiga Bayern Munich uu ku sii dhowaanayo inuu isaga hayaamo qalcadda Allianz Arena.

Sida ku cad wargayska kasoo baxa Germany ee BILD, Manchester United ayaa Bayern Munich kala xiriirtay helitaanka Sane inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo laakiin xiddiga reer Germany ayaa lagu heli karaa xagaaga 2025 qaab beeca xorta ah.

kooxda Arsenal ayaa sidoo kale xiiso u muujisay adeega Sane.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahankii hore ee Manchester City ayaa la sheegay inuu u furan yahay inuu wadahadalo qandaraas kordhin ah la yeesho Bayern Munich kahor inta uusan go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version