Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda daafaca dhexe ee Everton Jarrad Branthwaite.

Red Devils ayaa ku guuldareysatay baacsiga ay ku dooneysay xiddiga reer England suuqii ugu dambeeyay, iyadoo Toffees ay kasoo diiday labo dalab.

Branthwaite, oo 22 jir ah, ayaa dhaliyay afar gool iyo sidoo kale caawiye ka ahaa 57 kulan oo tartamada oo dhan ah Everton tan iyo markii uu u saftay kooxda koowaad ee 2019-20.

Waxa uu kooxda kula jiraa heshiis ilaa 2027 ah, laakiin United waxa ay samenaysa dadaal kasta ay ku soo xero galinayso Branthwaite xagaagan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Red Devils ayaa gudbisay dalabyo gaaraya 35 milyan ginni iyo 50 milyan ginni oo ay Toffees soo diiday kahor inta aysan kala soo wareegin xiddiga kooxda Lille ee daafaca dhexe ee Leny Yoro.

Si kastaba ha ahaatee, talkSPORT (via Daily Mail) ayaa intaa ku dartay in United ay sameyn doonto dadaal kale si ay ula soo saxiixato Branthwaite marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo.

Toffees waxa ay waydiistay 70 milyan oo ginni Red DDevils si ay u helaan cciyaaryahankadaafava dhexe ee Branthwaite xagaagan, balse lacagta ayay ku hishiin waayeen labada koox.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Branthwaite uusan heshiis cusub u saxiixin Goodison Park isla markaana uu ku dhibtoonayo daqiiqadaha uu ciyaarayo xilli ciyaareedkan, United ayaa jeclaan laheyd fursadooda inay u hir gasho ay ku soo xerogelin lahaayeen xiddiga reer England.

Kadib bilowgoodii ugu xumaa abid ee Premier League – 12 dhibcood 10 kulan – Erik ten Hag waxaa bedelay macalinka Sporting CP ee Ruben Amorim, kaas oo qarka u saaran inuu qabto shaqada 11-November

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version