Inter Milan ayaa garoonkeeda San Siro ku soo dhawaynaysa kooxda Arsenal kulan wayn oo Champions Leaque-ga ah, waxayna labada kooxoodba doonayaan in ay guul gaadhaan.

Tababaraha kooxda Inter Milan ee Simone Inzaghi ayaa isku dayi doona inuu guul ka gaadho Arsenal kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League wareegiisa afaraad wuxuuna ka dhici doono qalcadda San Siro.

Kooxda heysata horyaalka talyaaniga ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed wanaagsan tan iyo guuldaradii kasoo gaartay AC Milan kulankii Derby, iyagoo badiyay 7 ka mid ah sideedii kulan ee ay ciyaareen tartamada oo dhan.

Xaqiiqoyinka Kulanka:

●Inter Milan ayaan wax guuldaro ah la kulmin siddeedii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

●Nerazzurri ayaa badisay todobo ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay.

●Kooxaha Inter Milan iyo Arsenal ayaan wax guuldaro ah la kulmin tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

●Arsenal ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tartanka UEFA Champions League ee dalka Talyaaniga (D1 Barbaro iyo 3 Guuldarro), iyadoo Emmanuel Adebayor uu ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee Gunners ka dhaliya halkaas kulan ay 2-0 kaga badiyeen Milan bishii March 2008dii.

●Xilli ciyaareedkan, Arsenal iyo Inter Milan ayaan wali wax gool ah laga dhalin tartanka Champions League.

●Yann Sommer ayaa shabaqiisa ilaashaday 7-kulan 10-kulan uu u saftay Inter Milan waxayna ka dhigan tahay 70% boqolkiiba inuu shabaqiisa ilaashaday Sommer ayaa ah kan ugu fiican goolhaye kasta oo 10+ kulan u saftay koox tartanka.

Shaxaha Macquulka Ah:

Safka macquulka ah ee Inter Milan:(3-5-2): Sommer; Pavard, de Vrij, Bastoni; Dumfries, Barella, Calhanoglu, Mkhitaryan, Dimarco; Taremi, Martinez

Safka Macquulka Ah Ee Arsenal: (4-4-2): Raya; Ben White, Saliba, Gabriel, Timber; Saka, Partey, Rice, Martinelli, Trossard, iyo Havertz.

 

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version