Palmer ayaa la tacaalaya dhaawac kasoo gaaray Axadii hore kulankii Man United iyo Chelsea  oo kusoo dhamaaday barbaro 1-1 ah.

Cole Palmer ayaa shaki uu ku jiraa inuu u ciyaari karo kulanka Chelsea Premier League ee wajahayan Arsenla Axada kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray dhanka jilibka kulankii Manchester United ee isbuucii hore.

Palmer ayaa dhameystay ciyaartii kusoo dhamaatay 1-1, lakiin waxa uu seegay tababarka tan iyo markaas tababaraha Blues Enzo Maresca ma uusan xaqiijin karin inuu soo laaban doono Axada.

‘Cole ma uusan tababarin shalay.  Waan arki doonaa maanta haddii uu awoodo inuu nala tababarto,” ayuu tababaraha reer Talyaani u sheegay shir jaraa’id ka hor kulanka Arsenal iyo Chelsea”

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version