Kooxda ka dhisan Galbeedka London ee Chelsea ayaa xiiseenaysa saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Atletico Madrid ee Pablo Barrios, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday CaughtOffside.

Waxay qorsheynayaan inay 50 milyan oo euro kula soo wareegaan xiddiga reer Spain, kaas oo la sheegayo in lala xiriirinayo kooxda Premier League ee Liverpool.

Chelsea ayaa u muuqata meel ay macquul tahay inuu u dhaqaaqo Barrios kaas oo ka soo dhalaalay Atletico Madrid intii uu macalin u ahaa Diego Simeone.

Blues ayaa wajahaysa xaalad adag oo ku saabsan xiddiga khadka dhexe ee reer Argentine Enzo Fernandez kaas oo aan ka soo bixin wixii laga filayay intii uu hogaaminayay tababaraha cusub ee Enzo Maresca.

Xiddiga reer Argentine ayaa helay kaliya 589 daqiiqo oo wakhtiga ciyaarta ah horyaalka premier League xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ku soo bilowday kaliya lix kulan sagaal kulan oo uu saftay.

Dhinaca kale Pablo Barrios ayuu dhaawac kasoo gaaray dhinaca muruqa taas oo keentay in uu muddo garoomada ka maqnaado.

Kahor inta uusan dhaawicin, wuxuu ahaa mid si joogta ah uga soo muuqday line-upka kooxda. Markii uu soo laabtay, waxa uu laba kulan ciyaaray kooxaha Real Sociedad iyo Leganes.
Isagoo eegaya xaalada Enzo Fernandez tababaraha Chelsea ee Maresca, warbixin kasoo baxday jariirada The Sun ayaa daaha ka roggtay in koooxaha Barcelona iyo Inter Milan labaduba ay xiiseenayaan adeega khadke dhexe reer Argentina iyo Blues ee Enzo Fernandez.

Qandaraaska xiddiga reer Argentine ee Chelsea wuxuu dhacayaa ilaa June 2032. Sidaas darteed, haddii ciyaaryahanka khadka dhexe la iibiyo, Blues waxaa laga yaabaa inay hesho lacag fiican oo ay kusoo iibsan karto Barrios, kaas oo qandaraaskiisa Atletico Madrid uu dhamaanayo 2028.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version