Kooxda Liverpool ayaan wax niyad ah u hayn bixitaanka Federico Chiesa inkasta oo ay jiraan warar xan ah oo sheegaya in ay heshiis isku beddalasho ah kula jiraan Ac Milan.
U dhaqaaqista Federico Chiesa ee Liverpool ayaan runtii u shaqayn sidii loo qorsheeyay, waxaana lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda. Laakiin, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Football Insider, Liverpool ma rabto inay iska iibiso saxiixeeda xagaaga ee Janaayo.
Warbixin ka soo baxday MilanLive ayaa soo jeedisay in kooxda Merseyside ay ka fikirayso in Chiesa ay u isticmaasho heshiis gorgortan ah si ay u hesho adeega xididga AC Milan ee Tijjani Reijnders.
Halka Reds ay aad ula dhacsan tahay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Italy, runtii uma muuqdaan kuwo xiiseynaya inay iska iibiyaan garabka reer Talyaani inkastoo uu ku dhibtooday tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay England.
Qandaraaska Chiesa ee Liverpool wuxuu dhacayaa ilaa xagaaga 2028, Reds ayaana rajeyneysa inuu ka gudbo dhibaatada dhaawaca oo uu kasoo muuqdo kulamo badan.
Liverpool ayaa kula soo wareegtay hishiis gaaraaya 12.5m oo ginni xididga reer Italy ee Federico Chiesa, waxayna kala soo wareegtay Juventus.
Si kasta ha ahaatee, Chiesa ayaa saftay kaliya hal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan iyada oo laba kulan oo kale uu kasoo muuqday League Cup iyo Champions League.
Imaanshiyaha Reijnders waxa ay u noqon kartaa dhiirigelin weyn kooxda Premier League, ee Liverpool, iyadoo Milan ay dooneyso inay Chiesa ku soo biiriso shaxda kooxdeeda, islamarkaana ay kula soo wareegto heshiis is dhaafsi ah laakiin sida ay wax u socdaan, Reds ma rabto inay iska fasaxdo xiddigooda Chiesa.