Kooxda Manchester City ayaa caawa u safri doonto dhigooda Sporting Lisbon kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League wareegiisa 4-aad.
Sporting CP iyo Manchester City waxay higsan doonaan inay sii wataan bilawga guuldarro la’aanta ee ololahooda UEFA Champions League marka ay ku kulmaan garoonka Jose Alvalade caawa.
Kooxaha Sporting CP iyo Manchester City aan laga badinin xilli ciyaareedkan tartanka UEFA Champions League.
Intaa waxaa dheer, kulanka Talaadada waxaa isku haaya labada tababare oo dhawaan isku arki doona Manchester Derby, iyadoo Ruben Amorim uu toddobaad gudihiis la wareegi doono tababaraha cusub ee Manchester United.
Xaqiiqoyinka Kulanka.
●Sporting CP ayaa badisay kulankoodii ugu horeeyay Yurub ee ay la ciyaareen Manchester City bishii March 2012 ee tartanka UEFA Europa League. Si kastaba ha ahaatee, wax guul ah lagama gaarin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka horyimaadeen (D1 L2).
●Manchester City ayaa laga badiyay kaliya hal kulan tobankii kulan ee ugu waa weynaa Yurub ee ay wajahday kooxaha reer Portugal, 6 guul iyo 3 barbaro, inkastoo taasi ay aheyd vs Sporting CP March 2012. Kulamadaas, Citizens ayaa shabaqeeda ilaashatay lix kulan, oo uu ku jiro hal kulan seddexdii kulan ee ugu danbeysay. Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa laga badiyay kaliya hal kulan shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen oo ay ku wajahaan kooxaha Portugal tartamada Yurub (2 guul iyo 2 barbaro). Intaa waxaa dheer, halkaas loogama badin kulamadii UEFA Champions League: 0-0 vs FC Porto December 2020 iyo 5-0 vs Sporting CP Febraayo 2022.
●Kadib markii laga badiyay shantii kulan ee ugu horeysay kooxaha Ingiriiska ee tartanka UEFA Champions League, Sporting CP wax guuldaro ah lama kulmin seddexdii kulan ee ugu dambeysay (W1 D2). Waxa ay guul ka gaareen kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku ciyaaraan gurigooda tartanka ay la ciyaaraan koox England ah, iyagoo 2-0 ku garaacay Tottenham Hotspur bishii Sebtembar 2022.
●Sporting CP ayaan laga badinin tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan (W2 D1). Kulankan haddii ay guul gaaraan waxay ka dhigan tahay inaysan guuldarro la kulmin waaxayna barbareenayaan rikoorkoodii ugu dheeraa ee guuldarro la’aaneed ee European Cup/Champions League (afar ciyaarood intii u dhaxaysay Sebtembar 1982 iyo March 1983).
●Erling Haaland ayaa si toos ah ugu lug lahaa 49 gool 42 kulan oo uu saftay UEFA Champions League (44 gool, shan caawiye). Haddii uu halkan gool ka dhaliyo ama uu caawiyo, Norwegian-ka ayaa noqon doona ciyaartoyga ugu dhaqsaha badan ee 50 gool iyo caawin isku darsaday taariikhda tartanka (43), isagoo ka sara mari doona Ruud van Nistelrooy kulamadii ugu yaraa ee sidaa sameeyay (45).