Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay miiska saarto lacag dhan 100-milyan oo euro si ay u xaqiijiso adeega xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni.
Liverpool ayaa isha ku haysa in ay xoojiso qadkooda dhexe, waxayna indhaha ku hayaan xiddiga Real Madrid iyo xulka faransiiska ee Aurelien Tchouameni.
Sida laga soo xiganaayo wargayska caanka ah ee Isbaanishka kasoo baxa ee Fichajes, Reds ayaa isha ku haysa in ay soo gudbiso dalab 100milyan oo Yuuro ah bisha Janaayo si ay u keento garoonka Anfield.
Tchouameni ayaa ah aamid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee kooxda Los Blancos tan iyo markii uu kaga soo biiray AS Monaco 2022. Inkastoo oo uu bandhig wacan sameeyay islamarkaana uu ka caawiyay inay ku guuleystaan UEFA Champions League iyo sidoo kale La Liga, 24-sano jirkan qadka dhexe mustaqbalkiisa ayaa noqday mid warbaahinta ay hadal hayaan kadib markii uu sameeyay bandhig liita kulankii El Clasico ay Barcelona 4-0 Real Madrid.
Awooda uu u leeyahay xiddiga reer France in uu ka soo muuqdo daafac ahaan iyo waliba doorar kala duwan oo daafaca dhexe ah ayaa dhawr jeer damiintay Carlo Ancelotti. Laakiin, wararka ayaa sheegaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska uusan kasoo bixin wixii laga filayey.
Iyadoo kooxo badan lala xiriirinayo xiddigii hore ee AS Monaco, Liverpool ayaa ah kooxda kaliya ee ugu cad cad saxiixiisa, waxayna doonayaan in ay baanka u jabiyaan si ay ula soo wareegaan xiddiga reer France ee Tchouameni.
Haatan, Liverpool ayaa u aragta Tchouameni mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdeeda ku xoojin kara awood dheeraad ah isla markaana ka caawin kara inay la tartanto kooxaha ugu fiican adduunka. Reds ayaa diyaar u ah in ay lacag kaash ah ku iibiso saxiixiisa, sida warbixinta lagu sheegay, kooxda ka dhisan Merseyside ayaa diyaar u ah inay bixiso 100 milyan oo Yuuro si ay u hesho saxiixiisa.
Liverpool ayaa kalsooni ku qabta in Tchouameni uu ku guuleysan doono Premier League, waxayna doonayaan inay u jabiyaan baanka qaab rikoodh ah oo suuqa kala iibsiga si ay u keenaan Anfield.