Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay heshay beddelka xiddiga reer Belgium ee Trossard.

Intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo ee sanadkii 2023, Gunners ayaa  21 milyan ginni kagasoo qaadatay Trossard kooxda Brighton & Hove Albion.

Trossard oo 29-sano jir ah ayaa gacan ka geystay 20 gool iyo 13 caawin 81 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay wargayska caanka ah ee Mirror, kooxda ka dhisan waqoyiga London ee Arsena ayaa doonaysa inay Trossard ku beddalaan xiddiga kooxda West Ham United ee Mohammed Kudus.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ghana ayaa jooga kaliya sannadkiisii ​​labaad ee  West Ham isaga oo saxiixay qandaraas shan sano ah oo uu ku joogaayo garoonka London Stadium, wuxuuna dhaliyay 16-gool iyo 7-caawin 55 kulan oo uu saftay.

Kudus waxa uu la mid yahay Trossard marka la eego in uu ka ciyaari karo weerarka, inkasta oo ay jirto dood ah in soo laabashadiisa 10 gool iyo lix caawin 41 kulan oo Premier League ah ay ka hooseyso heerka hore.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in West Ham ay isku dayi doonto inay 90-milyan ginni dib ugu soo celiso Kudus haddii Arsenal ama koox kale ay qaab rasmi ah u sameeyaan saxiixiisa.

Halka Arsenal ay lacag ka badan ku bixisay ciyaaryahankii hore ee West Ham Declan Rice, ma cadda inay diyaar u yihiin inay ka soo baxaan dalabaadka Hammers ee ciyaaryahan sida Kudus marka ay u baahan yihiin weeraryahan.

Sikasta ha ahaatee Arsenal ayaa isku dayi doonta inay ku beddesho Trossard xiddiga reer Ghana iyo kooxda West Ham ee Kudus.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version