Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Liverpool kula dagaalanto adeega xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni.

Sida laga soo xigtay wargayska caanka ah ee Fichajes, Aurelien Tchouameni ayaa laga yaabaa inuu ka tago Real Madrid mustaqbalka dhow.

Kooxaha Liverpool iyo PSG ayaana ku loolamaaya saxiixa xididga reer France iyo kooxda Real Madrid ee Tchouameni kaas oo mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid uu shaki ku jiro.

Kadib qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee uu kusoo bandhigay kooxda reer France ee Monaco, Real Madrid ayaa kusoo iibsatay lacag qaali ah xagaaga 2022.

Laacibka khadka dhexe ee reer France ayaa tan iyo markii uu u dhaqaaqay Spain wuxuu fure u ahaa Madrid dhamaan guulihii ay gaareen xiliciyaareedkii ugu dambeeyay.

Xiddiga reer France ee Tchouameni qandaraaska uu kul jiro kooxda Isbaanishka ee Madrid waxa uu soconaaaya ilaa xagaaga 2028, Los Blancos ayaana waxay u muuqataa inay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada uga imaanaaya kooxaha doonaaya  xididga reer France ee Tchouameni.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version